Dhageyso:Dowlada Burundi Oo Qiratay In Askar Badan Loogu Dilay Weerarkii Leego Ka Dhacay

0
218

Bujanbura(INO)-Afhayeen u hadlay ciidamada dalka Burundi ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qasaaraha ciidamadooda kasoo gaaray weerarkii shalay Alshabaab ay ka geysteen deegaanka Leego.

burundi-flag

Gaspard Baratuza, oo ah afhayeenka ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 50 askari ay kaga geeriyootay weerarkii Alshabaab ay ka geysteen deegaanka Leego, ayna jiraan dhaawacyo askar kale soo gaaray.

Wuxuu sheegay in tirada dhaawaca ay badan yihiin lagana yaabo in dhimashada ay intaasi kasii badato, maadaama askarta badankood ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkii shalay Alshabaab ku qaadeen deegaanka Leego ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay oo ka dhacay afaafka hore xerada ciidamada Burundi ay degenaayeen eek u taalay deegaanka Leego.

Kadib waxaa xigay in xubno ka tirsan Alshabaab gudaha u galeen dhismaha oo ku yaalay deegaanka, halkaasi oo muddo saacado ah iska hor imaad xoogan uu ka dhacay.

Dowlada Mareykanka iyo xoghayaha guud ee QM ayaa cambaareeyay weerarka Alshabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Bujanbura

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here