Madaxweyne Kuxigeenkii Labaad Ee Burundi Oo Ka Baxsaday Dalkiisa

0
224

Bujanbura(INO)— Madaxweyne kuxigeenkii labaad ee dalka Burundi Gervais Rufyikiri ayaa ka baxsaday dalkiisa, kadib markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad isku soo sharaxi doono madaxtinimada dalka.

Rufyikiri

Gervais Rufyikiri ayaa la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay dalka Belgium, waxaana wararku sheegayaan inuu halkaas iska dhiibay qaab magangalyo siyaasadeed ah.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay inuu howl shaqo u aaday dalkaas, maalmo kadibna dalka dib ugu soo laabtay, kadibna dalka uu ka cararay.

Mr Gervais Rufyikiri ayaa u sheegay Telefishinka France 24 inuu isaga ka soo horjeedo muddo kororsiga Madaxweynaha, ayna sharci daro tahay in mar saddexaad uu isa soo sharaxo.

Madaxweyne Nkurunziza ayaa ka bad baaday isku day afgambi, xilli uu dalka ka maqnaa, waxaana Midowga Afrika walaac xoogan uu ka muujiyay qalalaasaha ka jira dalka.

Bishii April ee sanadkan ayaa waxaa ka bilowday dalka Burundi dibad baxyo rabshado wato oo looga soo horjeeday Madaxweynaha Burundi, kadib markii uu sheegay in mar saddexaad uu isa soo sharaxayo.

Idale News Online, Burundi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here