Muqdisho(INO) — Ra’iiusl Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Maxamed Cumar Carte ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay ka Qayb-galeen Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka, Wasiiradda, Caafimaadka Wasiirradda Waxbarashada, Wasiir ku Xigeenka Xanaannada Xoolaha, iyo Wasiir ku xigeenka Kaluumaysiga, iyo Xubno ka socotay Midowga Yurub, Waxaana shirka looga hadlay sidii Somalia gacanteeda loogu soo celin lahaa mashaariicda ay bixiyaan dowladaha midowga yurub, mashaariicdaas oo 25-kii sano ee la soo dhaafay la soo marsiin jiray saxiixooda iyo qorshayntooda wakiilka markaas u fadhiya Soomaaliya Midowga Yurub.
Ugu horayntii RW ku xigeenka ayaa sheegay in Tallaabadan Dowladda Soomaaliya ay maamulayso deeqaha ay bixiyaan Midowga Yurub ay muhiimad gaar ah u ledahay, isla markaana ay sii xoojinayso xririikii ka dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
“Mashaariicada 25 sano ee lasoo dhaafay waxaa noo saxiixaya markasta wakiilka Somalia u u qaabilsan Midowga Yurub, waxaa hada socda tababro ay qaadanayaa khabiiro ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta, waxana rajaynaynaa in sanadkaan dhamaadkiisa aan dhaqaalaha Midowga Yurub u qoondeeyey Soomaaliya in gacanta dowladda toos loogu soo wareejiyo, iyadoo markii hore la soo marsiin jiray Hay’adaha Qaramad Midoobay iyo World Bank, balse hada kadib dhaqaalahaas oo gaaraya 286 milyan Eoro, waxaa toos loogu soo shubayaa Wasaarada Maaliyadda,” ayuu yiri Carte
RW ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in wajiga koobaad ee maanta la bilaabayo ay tahay in lagu cadeeyo qorshaha iyo mudnaanta barnaamijyada u kala leeyihiin.
“Wasaarada qorshaynta ayaan u xilsaarnay in ay buuxiso kaalinta dowlada Soomaaliya ay ku yeelanayso barnaamijkaan, u jeedada laga leeyahay waa in dowlada Soomaaliya ay maamulato deeqaha ka imanaya Midowga Yurub, si tar tartiib ahna Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa masuuliyadda Mashaariicda laga fulinayo dalka. waxaana noo qorshaysan in dhaqaalahaas lagu bixiyo dhismaha maamul goboleedyadda iyo nabadgalyada, dib u kabashada iyo barnaamijyada isku filaanshada cuntada iyo waxbarashada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenku.
Santuuqa Horumarinta Midowga Yurub ayaa u qorsheeyey in mashaariicdaan ay socdaan 2014-2020, iyadoo markasta la eegayo waxyaalaha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya
Idale News Online,Muqdisho