Dhageyso:Taliska Booliska Soomaaliyeed Oo Amray In Aysan Askartu Cuni karin Qaadka

0
267

Baydhabo(INO)- Taliyaha ciidamada Booliska ee Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sh Xasan Xaamud ayaa soo saaray amar ah in aysan Askartu dawladdu cuni Karin Qaadka xiliyada lagu jiro howlgalada ay wadaan ciidamada amaanka ee Soomaaliya.

XAAMUD

Jeneraalka ayaa sheegay in ay dhib badan kala kulmeen Cunida Qaadka xiliyada lagu guda jiro gudashada waajibaadka saran Askarta, wuxuuna amray in guud ahaanba aan lagu arki Karin askarta dawladda cunida qaadka xiligaas, isagoo sheegay in uu dhib badan ukeenayo askariga iyo shaqada uu wado.

Taliska ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in askarta dawladda oo dhan laga joojiyo cunida Qaadka, balse ay talaabadan hada tahay mid kor uqaadaysa sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee Soomaaliya.

Ciidamo badan oo ka tirsan booliska dawladda Soomaaliya ayaa la soo dhigay jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxa ayna ujeedadu tahay sidii ay uxaqiijin lahaayeen amaanka guud ee magaalada caasumada ah.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here