Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, waxaa Ku soo batey, Bajaajta ama Tigda oo Saameyn weyn ku Yeelatey Shaqadda Dan-yarta kale ee wada Gaari Gacanka iyo Taxi-yaasha Ka Shaqeeya Degmada Baydhabo.
Bishiir C/laahi, Gudoomiyaha Gaari Gacanleyda ee Degmada Baydhabo ayaa sheegey in Bajaajta dhibaato weyn ay ku hayso Shaqadooda isla markaana hadda ay yihiin Kuwo Shaqo la’aan ah, waxaana uu tilmaamey bajaajtu inay taagan tahay meel kasto ay ku qaraaban la haayeen.
” Waxaan Aad iyo Aad ugu cabaneyna Shaqo Xumo oo aad noo saameysey, Bajaajtan hadda timi waxay Na bara bixisey, Gaari gacanku waa wadani, Bajaajta waxaa la rabey inay ku ekaadaan Rabkaa oo kaliye, anagguna alaabta aan qaadno, marka ma sameeyeen Taasi, dhibaato weyn ayaan qabnaa, Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan Ka Codsaneyna inay arintan wax ka qabtaan, xitaa waxaan ka dooneynaa inay naga bedelaan Gaari gacanka, ayna nasiyeen Gaar Dameero si aynu nafteenu ugu maareyno Soo gurishadda Xaabadda iyo Dhuxusha oo ay inoo noqoto qorshe Aynu kaga bed baadi lahayn Bajaajta” Ayuu yiri Aadan.
” Qofka rakaabka ah wixii fudud inuu saarto Bajaajta waan u ogalnahay, balse alaabta culculus ayaan ka hadleynaa, waxaan arkeynaa, Jiingado,Miisaska iyo loorarkii kor laga saarayo Bajaajta taasi, Anaggu ma rabno” Ayuu yiri Bashiir C/lahi.
Ugu dambeyntii Magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya waxa ku soo batey Bajaajta taasoo fududeysa wax yaabo badan oo ay qaban lahaayeen Taxi-yaasha iyo Gaari Gacanleyd isla markaana wayna ka sicir Jaban tahay.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo