Dhageyso: BFS Oo U Yeeray Wasiirka Maaliyada iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Dawladda Soomaaliya

0
275

Muqdisho(INO)- Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa  isku raacay in loo yeero Wasiirka Maaliyada ee dawladda Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe si ay uga jawaabaan suuragalnimada in loo soo qaado gudaha dalka Soomaaliya lacag Shiling Somali ah oo laga keenayo dalka Suudaan,taas oo la daabacay xiligii dawladii Madaxweyne Sh Shariif Sheekh Axmed.

farkeeti

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in ay Xildhibaanada iyo labadan masuul si dhaw uga wada hadli doonaan sidii loo jeexi lahaa wadiiqo lacagtan lagu soo galinayo gudaha dalka, si aysan dalka oo dhan ugu geysan dhibaato dhaqaale oo hor leh.

Proff.Jawaari ayaa sidaas oo kale sheegay in xubno gaaraya 5 xubnood loo xilsaari doono in ay tagaan Mandheera iyo Baladxaawo ee xadka Soomaaliya iyo Kenya ayna soo kormeeraan darbiga ay dhiseyso dawladda Kenya.

Xubnahan ayaa loo dirayaa in ay soo qiimeeyeen waxa ka socda xadka labada dal, ka dibna waxa ay dib ugu soo celin doonaan baarlamaanka Soomaaliya warbixin ku saabsan wixii ay soo arkeen.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here