Muqdisho (INO)-Xildhibaan Maxamad Cumar dalxa oo ah ku gudoomiye ku xigeenka gudiga arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya oo waraysi gaar ah siyay wakalada wararka ee Xinhua ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si diiran u soo dhawaynayso go’aanka dowladda Kenya ay dib ugu fureyso xawaaladaha Soomaaliya oo horay ay u hakisay.
“ waxaan kala hadalnay dowladda Kenya marar kala duwan in ay dib u furto xawaaladaha Soomaalida waxaana aaminsanahay in dadaalkeeni uu hada guulaystay “ sidaasi waxaa yiri xildhibaan Dalxa oo oo wakaalada wararka ee Xinhua la hadlyay.
Mr. Dalxa ayaa sidoo kale soo hadal qaaday gidaarka dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka kala qaybiya dalka Soomaaliya iyo Kenya waxa uuna sheegay in uu ugu baaqayo dowladda Kenya in ay la timaado straatiijyad kale madaama darbiga la dhisayo uusan dan ugu jirin labada dowladoodba.
Hadalka dowladda Kenya ayaa imaanaya xili dhawan Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta uu ku amray bankiga dhexe ee Kenya in uu la yimaado hanaan kale oo looga hortagayo tuhunkooda oo aan ahayn in ay joojiyaan xawaaladaha Soomaalida .
Bishii april 7 ee sanadkaan ayay ahad markii dowladda Kenya ay xirtay xawaaladaha Soomaaliya ee dalkeeda iyadoo sidoo kale hakisay acoounada ama xisbaadka dad badan oo qaarkood ay yihiin Soomaali oo ay aaminsanayd in ay taageraan dhaq dhaqaqa Soomaaliya ka dagaalama.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho