Dhageyso: Wasaaradda Amniga Ee KGS Oo U Digtey Dad Khal-Khal Galinaya Nayida Ardeyda Shahaadiga Dugsiyadda Sare Ee Baydhabo

0
260

Baydhabo(INO)__Waxaa Maalintii labaad galiy Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyadda Sare ah Ee  Guud ahaan Goboladda Soomaaliya Gaar ahaan gobolada KG  Somalia.

Macmuur Baydhabo

Boqalaal Ciidamo Isugu jira Boolis, Nabad Sugid iyo Ciidamada Sida Militiriga u hawlgala ee  Daraawiista Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Ku Faafey Xaafadaha Kala Gedisan Ee Magaalda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Ka Dib, sida La sheegey Dad khal- Khal galiyey Nayida Ardeyda Shaadig ee Dugsiyadda Sare  oo ugu socoda Iskuulka Gabdhaha Ee  Dr. Cabdullla Deerow Isaaq.

Ciidamada ammaanka oo ay wehliyaan ciidanka AMISOM ee Itoobiya ayaa saaka Baydhabo ka bilaabay howl gal ballaaran oo guri guri ah, waxaana howl galkan uu saameeyay dhaq dhaqaaqii guud ee magaalada, sida Ganacsiga, goobaha waxbarashada iyo isu socodka.

Xasan Eeley.

Ku Simaha Wasiiraka Wasaaradda Anmiga Ee KGS  ahna Wasiirka Hubka dhigista, Dhanqancelinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed, ayaa  Sheegey inay ka warhaayaan dad  isku dayaya inay khal khal galiyaan Nayida iyo Rajadda Ardeyda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee u fadhiisatey Imtixaanka guud ee Shahaadiga Dusgiyadda Sare.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here