Afgooye(INO)-Waxa Maanta Xilka Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose La wareegey Gudoomiyaha Cusub ee Degmadaasi Mudane C/qani Yuusuf Axmed Buulo-Moog oo Dhawaan u soo magacaawdey wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Munaasabad Ballaaran oo ka dhacey Gudaha Degmada Afgooye oo ay ka qiib galeen Wasiiro ka tirsan Dowladda KG Soomaaliya, Odayaasha Dhaqanka, Ururka Haween Degmadaasi iyo Marti-Sharaf kale ayaa lagu qabtey Hollka shirarka Ee KGS Ee Degmadaasi.
Sidoo kale Munaasabada waxa Lagu Sogoo tinayey Gudoomiyihii Hore Ee DegmadaAfgooye Mudane Xaaji Gaabow, isagoona u hambalyeeyey Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Afgooye.
Gudoomiye C/qani Yuusuf Axmed ayaa Ka Codsadey Qiibaha kala Gedisan Ee Bulshada Afgooye in ay la shaqeeyaan Maamulka Degmada Afgooye , waxana uu tilmaamey inta lagu guda jira Mudada KMG ah Ee Lixda Bilood inuu Maamulkiisa Wax ka qaban Doono arimaha Anmiga, Waxbrashda Iyo Faydhoorka Degmadaasi
” Xil weyn ayaa la ii dhiibey,waxaan Ka Socodsanaya Maamulkii Hore iyo Shacabka Ku dhaqan Degmada Afgooye inaad Nala Shaqeysaan, Isbedel ayaan Sameyn doonaa oo dhinacyo badan leh” ayuu yiri Gudoomiye Cusub Ee Afgooye.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane C/raxman Ibraahim Aadan(Sata), oo ka hadley Munaasabadda Xil wareejinta ayaa Amaaney Maamulkii Hore Ee Degmada Afgooye isla markaana Waxa uu sheegey in Degmooyinka Kale oo ka tirsan gobolka Koonfur Gablbeed Soomaaliya loo Sameyn doono Maamulo cusub oo KMG ah.
” Xaqiiqdii Munaasabadan Waxaan Ugu tala Galney in lagu Sogootiyo Maamulkii Hore ee Ka Shaqeynayey Degmadani, Lagu Soo dhaweeyo Maamulka Cusub Ee Degmada Afgooye, Ujeeda Munaasabadan ayaa waxa ay tahay in aan Fahamsiino ama aan Tusno Shacabka Ku Nool degmada Afgooye iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed” Ayaa yiri C/raxmaan Ibraahim Aadan Sata.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Afgooye