Afgooye(INO)-Shir wada tashi ah oo ay soo qaban qaabisey wasaaradda Dhalanyaradda iyo Isboortiska ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa Maanta Laga soo gebo gabeeyey Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Shirkaasi ayaa Socodey Mudo 3 cesho isla markaaana waxa ka qiib galey Dhalanyarradda Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, Wasiiro Ka Tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Ee Soomaaliya.
Inta uu socodey Shirkaasi, waxa looga diirada laga saarey ama looga aran sanaayey, Wacyi-galin La Xariirta Dhalanyaradda iyo Hanaanka ay ugu qiib Qaadan Lahaayeen Horumaradda dalka.
Wasiirka Wasaaradda Dhalan-yaradd iyo IsboortiskaEe Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya C/laahi Cabdi Cumar Fanax, ayaa khud dar-daaran ah U jeediyey Dhamaan Ka Qiib Galiyaasha Shirkaasi
“Gunaanadka Shirka, arimaha wada tashiga dhalanyaradda oo looga hadlaayey Qorshaha Dajinta siyaasadda dhalanyaradda Qaranka Soomaaliyeed oo Socodey Mudo 3 cesho ah waxaa ka soo baxay 8 Qodob oo wax ku ool ah” ayuu yiri wasiirka Dhalanyaraddaa KGS.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Afgooye