Baydhabo(INO)- 25 sano ka dib , Wasaaradda Waxbarashadda iyo Barbaarinta ee Dowladda Curdanka ah Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Bilowdey Qaadista Imtixaan Guud Ee Shahaadiga ee Dugsiyadda Sare Ee Wadanka Soomaaliya.
Ku Simaha Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Sheekh Ibraahim Lugbuur, Wasiirka Waxbarashadda iyo Barbaarinta Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Bay Mudane Rashiid C/laahi ayaa maanta Si wada Jir ah U Kormeerey Ardeyda Imtixaanka U fadhiisatey Isla markaana Ay ilaalinyeen Macalimiin Laga Keeneey Goboladda Dalka Soomaaliya, kuwaasoo la arkaayey iyagoo si aad ah u ilaalinyey Ardeyda.
Dugsiga Hoose iyo Dhexe Ee Dr. Cabdalla Deerow Isaaq Ee Gabdhaha Baydhabo ayaaa ah Goobta Imtixaanka Ka Socodey isla markaana waxaa aad loo adkeeyey Amaanka Goobtaasi.
Wasiirka Waxbarashadda Iyo Barbaarinta Ee KGS Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa sheegey in imtixaan ay u fadhiisteen Ku dhawaad 94 ardey, isagoona xusey in qaar ka mid ah waaladiinta Degmada Baydhabo ay u baqeen caruurtooda isla markaana ay ka baajiyeen, sidoo kale waxa uu sheegey in 42 ka mid ah ardeydii ay u diiwaan gashaneyd Wasaaradda Waxbarashadda iyo Barbaarinta ay isku diiwaan galiyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Hidaha iyo tacliinta sare Ee DFS.
” Inta Maanta inuu diiwaan Gashan oo nasiibka u yeeshey in galaan imtixaanka Maanta waa 94 ardey, Ardeyda kale maqan daruufo jiro awgeed, sababa amniga waan u maqan nahay waxayna leeyihiin Xaquuqda Ardeyda kale, 42 ardey ayaa isku diiwaan galisey wasaaradda Waxbarshadda Soomaaliya , Magaalada Muqdisho ayey ku galayaan Imtixaanka” ayuu yiri Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow.
Ku simaha Madaxweynaha Dowladda KGS Sheekh Ibraahim Lugbuur iyo Gudoomiyaha Gobolka Bay, Rashiid C/Laahi ayaa la dar-daaramey Ardey Maanta U Fadhiisatey Imtixaanka Shahaadiga.
” ALLE ayaa laga cabsadaa, Marka waxa Bogaadinaya in aan laga baaqanin imtixaanka, Kooxaha Nabad diidka, waan ognhay in aysan ogleyn Horumarka iyo Nolaal mar welibana Waxay isku dayaan inay khal- khal galiyaan Dadka Shacabka ah, waxaan idin kula dar-daarmaya in aad muujisaan Dadaal iyo samir guul ayaan Idin rajeynahaya” ayuu yiri Ku Simaha Madaxweynaha KGS.
” Waxaa Muhiim ii ah in aan arintan Qiib ka Noqodo, Sababata oo ah 25 sano oo la soo dhaafey ma jirin Imtixaan Sidan Camal ah oo laga qaadayey Guud ahaan Soomaaliya waxaa ii muuqataa rajo weyn, Macalimiinta Imtixaanka Qaadayso Ma ahan kuwo u dhashey Gobolka Ee Waxay ka yimaadeen Gobolo kale waxayna u yimaadeen Qaadista Imtixaan Dalka, Waxa arintan suurta- galisey Wasaaradda Waxbarashadda Ee DFS” Ayuu yiri Gudoomiye Rashiid C/laahi.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo