Johnespeg(INO)— Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa goor dhow ka dhoofay dalka Koofur Afrika, isagoo ka dhega-fureystay go’aan ay soo saartay Maxkamadda Koofur Afrika, kaasoo ahaa in aanu dalka ka bixi karin.
Diyaarad sida Madaxweyne Al-Bashiir ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Johannesburg, xilli maanta Maxkamada sare ee magaalada Pretoria ay u fariisatay dacwad ku aadan in loo gacan geliyo Maxkamadda ICC oo ay ka taal dacwado la xiriira dambiyo dhinaca bani’aadanimada.
Wararka ay qorayaan warbaahinta Koofur Afrika ayaa sheegaya in Madaxweyne Al-Bashiir uu si nabad ah uga dhoofay Johannesburg, isla markaana ku sii jeedo magaalada Khartoum, halkaasoo la filayo in saacadaha soo socda uu gaaro.
Madaxweyne Al-Bashiir oo ka qeyb galayay shir madaxeedkii Midowga Afrika ayaa la filayaa marka uu gaaro Khartoum inuu shir jaraa’id qabto oo uu ka hadlo dalabka Maxkamadda ICC.
Tani ayaa waxay waji gabax ku noqoneysaa dalabkii Maxkamadda dambiyada Caalamiga ay ku dooneysay in loo soo gacan geliyo.
Sidoo kale waxay iyana dhabar jab ku tahay go’aankii Maxkamad ku taal Koofur Afrika gaartay, kaasoo ah in Madaxweyne Al-Bashiir aanu dalka ka bixi karin, ilaa laga doodayo dalabka Maxkamadda ICC.
Koofur Afrika ayaa xubin ka ah Maxkamadda ICC, waana waajib saarnaa inay qabato, laakiin Madaxweyne Al-Bashiir ayaana marti u aheyd dowladda Koofur Afrika, waxaana uu casuumay Midowga Afrika.
Idale News Online, Johnespeg