(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika, isagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee maanta ka furmaya halkaas.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha, waxaana soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Koofur Afrika iyo Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaalida ee dalkaas.
Shirka Madaxeedka Midowga Afrika ee maanta ka furmaya magaalada Johannesburg ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo badan oo ka jira Qaaradda Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka ka qeyb galaya ayaa khudbad ka jeedin doona shir madaxeedka, isagoo ka hadli doona dagaalka dowladdiisa kula jirto Al-Shabaab, qorshaha dowladdiisa ay hiigsaneyso sanadka 2016 ee ah doorasho ka dhacda dalka iyo arrimo badan.
Madaxweynaha waxaa uu dalban doonaa taageero ururka Midowga Afrika weydiisan doono, sidii dowladdiisa gacan looga siin lahaa sidii Al-Shabaab looga adkaan lahaa iyo qatarta ay ku leeyihiin dalalka Geeska Afrika.
Shirka Madaxda Midowga Afrika ayaa waxaa uu yahay shirkii 25aad, waxaana shirka ka qeyb galaya Madaxda Afrika oo iyana ka hadli doona xaaladaha Qaaradda Afrika.
Idale News Onine South afriaca