Dowladda Koonfur Afrika Oo Loogu Baaqay Inay Soo Xirto Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir

0
199

Johannesburg(INO)— Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC ayaa ugu baaqday dowladda Koofur Afrika inay soo xirto Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ku sugan dalkaas, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Johannesburg.

War ka soo baxay Maxkamadda ICC ayaa lagu sheegay in Koofur Afrika ay tixgeliso codsiga Maxkamadda, soona xirto Al-Bashiir.

Madaxweynaha Sudan ayaa waxaa loo heystaa dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada, iyadoo Maxkamada ICC ay sanadkii 2009 ka soo saartay ruqsad ah in lagu soo xiro.

Koofur Afrika oo xubin ka ah Maxkamadda ayaa laga dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo qabato, si loogu soo gacan geliyo Maxkamadda ICC.

Laakiin lama filayo inay Koofur Afrika tallaabadaas sameyso, iyadoo Ururka Midowga Afrika uu horay u diiday iskaashi uu la sameeyo Maxkamadda ICC.

Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa u arka Maxkamadda ICC mid u taagan kaliya bahdilaada Madaxda Afrika iyo in Maxkamadaas u aas aasan tahay in lagu maxkamadeeyo Madaxda Afrikaanka oo kaliya.

Maxkamadda ICC ayaan laheyn ciidan boolis, sidaa darteed wadamada xubnaha ka ah waxaa waajib ka saaran inay soo qabtaan cidii ay u baahato.

Ururada xuquuqda aadanaha iyo kooxaha mucaaradka dalka Koofur Afrika ayaa ku baaqay in la xiro Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ayaa horay u qaadacay Maxkamadda ICC, waxaana uu horay u tagay wadamo ku yaala Afrika iyo bariga Dhexe oo qaarkood xubin ka ah Maxkamadda.

Idale News Online,Johannesburg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here