Dhageyso:Faahfaahin Hawlgal Culus Oo Dhiig Ku Daatey Oo Ka Dhacey Degmada Bardaale

0
210

Bardaale(INO)- Ciidamada Dowladda Federaalka ee degmada Bardaale ee gobolka ayaa howllgal iyo wacyi galin loo sameynayo Dadka ka bilaabay degmadaasi, iyada oo inta uu howllgalka socday ay dagaal kala kulmeen Ciidamada Al Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Bardaale, Maxamed Isxaaq Carecase, ayaa sheegay in dagaal dhexmaray iyaga iyo Al Shabaab ay ku dileen labo ka mid ah Al Shabaab, halka dhankooda uu xusay in uu ka dhaawacmay hal Askari, isaga oo sheegay in howllgalka uu sii socon doono ilaa Dadka laga dulqaado buu yiri Al Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Bardaale, Maxamed Isxaaq Carecase ayaa ugu baaqay Maamulada Degmooyinka gobolka Bay inay iskaashi ka yeeshaan Ammaanka, isaga oo sheegay in Waddada kaliya ee lagu guuleysan karo ay tahay iyada oo la kasbado Dadka Shacabka ah.

Maamulada degmooyinka iyo kuwa gobolada Bay iyo Bakool  iyo Shabellaha Hoose ayaa mar kasta oo ay howllgal sameeyaan, waxa ay Weeraro kala kulmaan Al Shabaab.

Ciidamada dawlada Soomaaliya ee gobalka Bay ayaa qaaday howlgal ay uga hortagayeen Shabaab doonayay in ay weeraraan degmadaas, oo hada go’odoon ugu jirta Xarakada Shabaab, waxa ayna ku weerareen saldhig ay kooxdaas la ahayd.

Sidoo kale Gudoomiyaha degmada Bardaale ayaa usheegay warbaahinta gudaha in ay soo qabteen dad lagu tuhunsan yahay falalkan amaan daro, isla markaas ay hada doonayaan in ay maxkamad keenaan si loogu qaado dambiyada lagu soo qabtay.

Maamulka dawladda ee gobalka Bay ayaa sheegay in ay wadi doonaan howlgaladan, isla markaasna ay dhamaanba tagi doonaan deegaanada ay gacanta ku hayaan Shabaab, si looga saaro deegaanadan, looguna dhiso hanaan maamul oo ka hufan cadaalad daro.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here