Dhageyso: RW, CCC Sharma’arke Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo

0
248

Muqdisho(INO)- Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubba,waxaana halkaasi ka socota diyaar garow balaarna oo loogu jiro soo dhaweyntiisa.

Raysalwasaaraha ayaa ujeedada socdaalkiisa magaalada Kismaayo ay tahay mid la xariirta arrimaha baarlamaanka Jubaland, oo ay dood ka keenen Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana lafilayaa in uu ka qeybgalo kulan ay yeelan doonaan baarlamaanka Jubba.

Raysalwasaaraha ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jubba  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo madaxda dawladda Jubba o ay si hoose uga wada hadli doonaan arrimaha Siyaasadeed ee dalka iyo Mooshinka ay keenene Mudanayaal baarlamaan.

RW, Sharmaake ayaa codsaday in mudo dhan labo todobaad lasiiyo Xukuumada si ay wax uga soo ogaato arrimaha baarlamaanka Jubaland, ayna dib ugu soo celiso baarlamaanka warbixin buuxda oo la xariira arrimahaas.

Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya xili ay Jubba u aragto dawladda Soomaaliya mid doonaysa in ay dib soo celiso khilaafkii horay usoo dhexmaray dawladda Soomaaliya iyo dawladda Jubaland, kaas oo kal hore heshiis laga gaaray.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here