Dhageyso Xildhibaan Samaan “Goormee Soomaalidu ku heshiisey in Gabre & IGAD ay Somalia wax u dhisaan”

0
270

Xidhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir, oo mid ka mid ah xildhibaanada ku saxiixan Mooshinka looga soo  horjeedo dhismaha maamulka kmg ah ee Jubba ayaa ku eedeeyey urur goboleedka IGAD inuu  faragelin toos ah ku haayo arrimaha gudaha dalka Soomaaliya, isla markaasna sheegay in ay abuurayaan iska horkeenid beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha dib uga curta  gaar ahaan dalka walaalah ee ku nool gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Barlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa loo gudbiyey mooshin ku saabsan sharci ahaanta maamul aysan dadka Soomaaliyeed ku lug aheyn oo ay horboodaayaan dowladaha safka hore ee Kenya iyo Itoobiya iyo shaqsiyaad Soomaali ah oo ka tirsan Urur goboleedka IGAD.

Xildhibaan-Samaan-

Xildhibaanka ayaa madaxda sare gaar ahaan Madaxweynaha uga digay in ay ku xadgudbaan sharciga dalka u yaala ee ku aadan dhismaha maamulada dalka. si isku mid ahna ay u wajahaan xalinta dhibaatooyinka ka jira maamulkada qaar.

Dhismaha maamulka kmg ee Jubba ayaa waxaa hareeyey khilaafyo dadka wada dega gobolka dhexdooda ah, kaasoo ka  dhashey faragelinta  dowlada Kenya iyo Urur goboleedka IGAD ay siinaaya dhinac ka mid ah dhinacyada isku haayo gobolka, gaar ahaan maamulka Axmed Madoobe oo xiriir aad u dhow la leh dalalkaas.

Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku doodaya in dhismaha Baarlamaanka Jubba aan hab sharci ah loo marin, isla markaana ay tahay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu kala diro Maamulkaas ama guud ahaan dib loogu noqdo dhismaha guud ee maamulkaas.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here