Daawo:Howlgallo Tiro Dad Ah Lagu Qabtay Oo Laga Sameeyay Magaalada Muqdisho

0
226

Muqdisho(INO) — Howlgallo ay si Wadajir ah xalay uga sameeyeen qaar ka mid ah Xaafadaha degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ciidamada nabad-sugida, booliiska iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo qabqabtay dhallinyaro lagu tuhmay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Ciidmada ayaa isku gedaamay waddooyinka xaafadihii ay baaritaanada ka fuliyeen, iyagoo guryaha mid-midu galayay si looga soo saaro dad la tuhunsanaa inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, waxaana la baarayay dadka iyo qolalka uu guryaha baarista lagu sameeyay.

Baristan ayaa ku yimid sida ay saraakiisha ciidamadu sheegeen xog ay heleen sirdoonka Qaranka, kaasoo la xiriiray in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay wadaan abaabullo ay ku doonayaan inay falal amni-darro kaga geystaan Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo la hadlay Warbaahinta ayaa shegay in howlgal-ka lagu soo qabqabtay shan ruux oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab, iyadoo lasii daayay dadkii kale ee howgalka lagu qabtay kaddib baaris lagu sameeyay si loo kala saaro.

“Cidamada Amniga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalkan Wadajir xalay uga sameeyay xaafado dhowr ah; shan ka mid ah dadkii lagu soo qabtay ayaana tuhun xooggan laga qabaa, baaritaanno dheeraad ah ayayna mari doonaan,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga.

Ugu dambeyn, howlgalkan ayaa qayb ka ahaa howlgallo ay ciidamada amnigu ka wadaan Muqdisho, iyadoo xilliyadii lasoo dhaafay si aad ah loo adkeeyay Ammaanka Muqdisho, inkastoo ay dhacaan dilal ay fuliyaan xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Idale News Online, Muqdisho