Tirada Dadka Germany u Dhashay ee ka Garab Dagaallama Al-shabaab Oo Lasoo Saaray

0
244

Bonn (INO) – Marka loo Fiiriyo Warbixin uu Daabacay Wargeys Germany laga leeyahay ayaa waxaa Muuqata in Dadka Jarmalka ah ay ka mid yihiin kuwa ugu Badan ee Dalalka Yurub ka yimaadda kana Garab Dagaallama Kooxda Shabaab.

Teaser Image Warbixin: Tirada Dadka Germany u Dhashay ee ka Garab Dagaallama Al-shabaab oo lasoo Saaray

Wargeyska Focus ee kasoo Baxa Magaalada Munich ee Dalka Germany ayaa Daabacay in Shabaab-ka u dhashay Jarmalku Gaarayaan 15, kuwaa oo hadda ku sugan Somalia.

Ka Gadaal Markii uu Wareystay Wargeysku Lix qof oo German ah, kana soo Laabtay Dalka Soomaaliya oo ay kasoo Barbar Dagaallameen Al-shabaab ayuu Ogaaday tirade Jarmalka ah ee Soomaaliya u Jooga in ay Shabaab-ka Caawiyaan.

Focus ayaa Boggiisii Shalay oo Sabti aheyd, kusoo Daabacay in 15 qof oo German ah ay hadda u Dagaallamaan Kooxda Shabaab,   Wargeysku wuxuu Warbixintiisa Daabacay keddib markii Xeerbeegtida federal-ka ah ay kusoo Ooghtay Lix dadka deggan magaalada Bonn ee Galbeedka dalka Jarmalka ah oo kasoo Laabtay Soomaaliya Eedeyn, keddibna Su’aalo la weydiiyay ay ku sheegeen in ay jiraan 15 Jarmal ah oo weli Shabaab la jira.

Baaris la sameeyay, in intii u dhexeysay 2008 ilaa 2014 ayaa lagu sheegay in 30 Germanah ay usoo Safreen dalka ku yaalla Geeska Africa, si ay ugu Biiraan Shabaab, kuwaa oo Weerarro Nolol Naceyb ah ka Fuliyey Somalia iyo Dalalka Deriska la ah, sida Dalka Kenya, April-tii lasoo dhaafay Shabaab ayaa ku qaaday Weerarro ay ka Guul sheegatay Gaari ay Laheyd Qaramada Midoobay oo Garoowe lagu Qarxiyey iyo Wasaaradda Tacliinta ee Dalka oo Muqdisho ku taal, Mareykanka ayaa 2008-dii Shabaab u Aqoonsaday Urur Argagixiso.

Focus ayaa sheegay in Shanta qof ee lagu Wareystay Bonn lagu Eedeeyay in ay ka qeyb galeen Bilihii lasoo dhaafay laguna soo Arkay Xeryaha Tababarka ee Al-Shabaab, taas oo ay ka Barteen sida loo Adeegsado Hubka culus iyo Bambooyinka Gacanta., si ay ula Dagaallamaan Ciidanka DFS Qaarkood ayey Muuqataa iyagoo ku qoran Is-miidaamin, welibana Muuqaallo laga Duubay ay Muujinayaan sida loogu Qanciyey.

Sanad Kedib, “Focus” ayaa Wariyey, in Al-shabaabku ay la Ildaranyihiin Weerarro ay Diyaaradaha aan Cidina Wedin ee Mareykanku ku hayaan, oo ay ka mid tahay kii lagu Dilay Hoggaamiyahoodii, Sanadkii lasoo Dhaafay, Kooxdan Shanta ah ayaa Baxsatay waxaase lagu Qabtay Nairobi, August 2014-kii waxaana dib loogu Celiyey Dalka Jarmalka, halkaas oo ay sidoo kale isku deyayeen in ay uga dhaqaaqaan Kooxda IS inta ka Tagaan Jarmal-ka.

Idale News Online – Bonn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here