Qormo:Xaqiiqda HantidaTaala Soomaaliya Qiyaastii 80% Waa Booli

0
255

Muqdisho(INO)-Hubaal hantida Soomaaliya taal qiyaastii 80% waa Booli, maalgelintii asalka ahaydna waa xaaraam si dadban iyo si toos ah mid lagu keenayba. Boolidu waa wejiyo badan tahay, waxaa ka mid ah: Laaluush qaadasho, xatooyo xoolo dadweyne, naas-nuujin, canshuur la musuqay, qandaraas qiimaha la kordhiyey, haybad madaxtinimo maal lagu helay, dhul magac mashruuc lagu qaatay oo dib loo iibiyey iyo musuq kaloo maamulka lala xiriiriyo.

Musuqa iyo boolida ganacsiga waxaa ka mid ah: badeecad tayo xun oo dadweynaha laga iibiyo, badeecad kala go’day oo la dhiigshiilo, faa’iido aan canshuur laga bixin, ganacsi qof u xiran “monopoly.” Waxaa kaloo ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta maanta, waxay ku shaqeystaan furihii isgaarsiinta qaranka, anteenooyinka ay taageen waxay hawada kusii daayaan “radiation” caafimaadka bulshada halis ku ah, waxay bulshada saareen qiime xad-dhaaf ah oo la rubi-saaray, taas oo Soomaaliya ka dhigtay dalka qiimaha wacitaanka ugu qaalisan adduunka oo dhan. Xawaaladaha oo shaqadii bankiyada dalka la wareegay, ayaandarro wax canshuur ah ma bixiyaan. Tani waa qeybta ugu weyn bililiqo oo dhan, waxaana ku baraaray oo liibaan iyo barwaaqo ka helay Booli-quuteyaal aaminsan inay yihiin culimo xalaal miirato ah.

Waxaan leeyahay, dhiigmiiratoy xaaraantaad dhiteysateen idin dhaaftay idilkeed. Tujaar tabar helay miskiin uma turo. Tuug iyo taajir taladood waa tacbo. Waxba yaan gocashadu ila gudbine aan qoraalka kusoo gunaanado sheeko xiiso leh. Nin reer miyi ah ayaa yiri xaasid maahi afar kama naxee waan ku farxaa “naagtii aad furtay nin kaloo guursada waa la waayey. Colkii aad ka hartay guul ma gaarin oo gambtaa loo joogsaday. Reerkii kaa guuray guri barwaaqo ma degin oo waa soo guryo noqdeen. Sodoh dhimatay hadday qof wanaagsan ahayd albaabka ayaa la xirta oo guriga dhexdisa ayaa wilisiqo iyo waalo lagu ciyaaraa, hadday dulmiley ahaydna dibedda ayaa balooley iyo dhaanto lagu ciyaaraa”. Haddaba akhriste si weyn ugu farax oo weligaa haka naxin dhibaato shan kooxood gaartey: “Badeeco gubatay iyo iimaan laawihii lahaa oo la diley. Wadaad xume tafsiirka diinta qalloociya oo la diley. NGO-le Basaas ah oo la diley. Dhaqtar dhiigmiirte la diley.

Qalinkii: Alaha u naxariistee Qoraagii Cabdulqadir Cismaan “Aroma”

Isha: Wariye Abdulahi Nur Colombo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here