DEG DEG: Dagaal Culus Oo Ka Socoda Xareeraha Degmada Awdheegle Ee G/Sh/Hoose

0
221

Afgooye(INO)-Wararka naga soo gaaraya deegaanada Awdhiigle iyo Mubaarak ee gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socdaan dagaalo udhaxeeya ciidamada dawladda Soomaaliya iyo Shabaab, dagaalkan oo bilowday salaadii subax ee saaka.

Ciidamada dawladda ayaa la xaqiijiyey in lagu soo qaadey weerar dhawr jiho ah, waxaana weerarkan qaaday kooxda Shabaab, taas oo suuragashay in ay galaan gudaha magaalada Awdhiigle, sida ay sheegayaan goobjoogayaal kusugan gudaha deegaankaas.

Dagaalka ayaa cuslaaday goor dhaw markii ay ciidamada dawladda Soomaaliya dib ugu laabteen magaalada Awdhiigle, waxaana sidaas oo kale ciidamada dawladdu ay weerar ku qaadeen deegaanka Mubaarak oo ayana dusheeda ay xalay dageen Maleeshiyo ka tirsan kooxda Shabaab.

Saraakiisha amaanka ee dawladda gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in aysan wali cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah, maadaama uu wali socdo duulaankan oo ay soo abaabuleen kooxda Shabaab.

Goobjooge ayaa usheegay Warbaahinta gudaha in uu arkay meydka sagaal kamid ah ciidamada dawladda Soomaaliya bartamaha magaalada Awdhiigle, wuxuuna sheegay in weerarkii saakadii hore ahaa mid lagu gaaday ciidamada, laakiin ay ciidamadu hada si fiican usoo galeen magaalada oo ay ka baxeen saaka.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here