Dalka Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo 15 May Ee Asaaskii SYL

0
197

Muqdisho(INO)– Soomaaliya oo dhan ayaa laga xusayaa maanta 15-ka May oo ah maalinkii la Asaasay Ururkii Xornimo Doonka Soomaaliyeed ee SYL,waxaana dhici doona kulamo looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya iyo dhalinyarada.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay maalintam qiimo weyn ugu fadhido Soomaaliya,isla markaasna loo qaban doono munaasabad weyn oo ay ka qeybgali doonan Madaxda dawladda Soomaaliya.

Madaxweyne Hassan Sheekh Mohamud ayaa shalay kudhawaaqay in ay dawladiisu door wanaagsan oo dhanka talada ah siisay dhalinyarada,isagoo sheegay in ay Soomaaliya ubaahan jiilal wanaagsan oo lamid ah SYL.

Ururkii SYL ayaa ahaa Urur dhalinyaro kaas oo ujeedadiisu ahayd in ay Soomaaliya gaarsiiyaan xornimo ay ku faanto, taas oo ay hirgaliyeen sannadyo badan oo ay halgan dheer ugu jireen.

Sannadkan ayaa la qabanayaa xuskan,iyadoo Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah ay tahriibayaan qaarna ku biirayaan kooxaha kasoo horjeeda amaanka iyo kala dambeynta, waxaana dawladdaha Soomaaliya ku guuldareysteen in hanaanka shaqo bixintu noqoto mid Aqoon loo galo.

Raysalwasaaraha dawladda Soomaaliya Omar Abdirishiid aya Hambalyo gaar ah udiray Umadda Soomaalida,gaar ahaana dhalinyarada oo ugu baaqay ka qeybgalida arrimaha horumarinta dalka iyo Hiigsiga 2016 – ka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here