Kenya Oo Lagu xiray Arday Qorsheynaysay Weeraro Argagixiso Oo Lagu Qaado Iskuul Ku Yaallo Dalkaasi

0
214

Nairobi(INO)-Booliiska dalka Kenya ayaa xiray arday ku hanjabtay inay geysanayaan weerar argagixiso, oo ay ka fuliyaan iskuul ay dhiganayeen oo ku yaallo deegaanka Marsabit, ee Gobolka Bariga Kenya.

Ardaydaan Booliiska ay xireen, ayaa waxa ay gaarayaan tiradooda afar Arday, kuwaasi oo dhiganaayay Dugsiga Dhexe ee iskuul lagu magacaabo St Kizito oo ku yaalla bariga Kenya.

Fariin hanjabaad ah ayaa waxa ay u direen macalimiinta Iskuulka, kadib markii laga eryay ardaydaan iskuulka, laguna amray inay keenaan waalidiintooda, markii Iskuul dhowr cisho ay ka maqnaayeen.

Afartaan Arday ayaa waxa ay fariintooda maamulka ay u direen ku sheegeen inay geysanayaan weeraro Argagixiso, sidoo kale waxa ay u sheegeen maalinta weerarkaasila fulinaayo.

Booliiska, waxa ay sheegeen in Ardaydaan juhdi badan ay ku bixin jireen Isticmaalka Internet-ka oo la aaminsan yahay inay kala xiriiri jireen dad kale oo howsha la waday.

Hada waxa ay ku xiran yihiin Saldhiga Booliiska Marsabit, waxaana ku socoto baaritaano Booliiska ay wadaan. Iskuulka Caruurtaan ay dhiganayeen ee ay ku hanjabeen inay ka fulinayaan weerarka ayaa waxaa maal galisa Kaniisada Catholic.

Dalka Kenya waxaa ka  dhacay weeraro naxdin badan oo ugu cuslaa, uguna dambeeyay weerarkii lagu qaaday Jaamacada Magaalada Gaarisa oo lagu dilay dad gaaraya 150-ruux oo Arday ah,waxaana masuuliyada weerarkaasi sheegtay Ururka Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here