Daawo:Wasiirka Difaaca Ee Kuuriyada Waqooyi Oo Goor Dhaweyd La Diley

0
233

Sol(INO)-Wasiirkii Difaaca Wadanka Kuuriya Waqooyi Hyon Yong Chol ayaa qoriga Lidka Diyaaradaha lagu dilay kadib markii lagu eedeeyay in uu hurday xili ay munaasabad ay socotay uuna khudbeenayay Hogaamiyaha Dalkaasi Kim Jong-un .

Dilka Wasiirka dilkiisa waxaa amray Hogaamiyaha Mayalka adag ee Kim Jong-un, kadib markii uu ka carooday in Wasiirku hurday xili ay socotay xaflad militari oo bishii lasoo dhaafay ka dhacday caasimada dalkaasi ee Pyongyang , waxaana Wasiirka lagu eedeeyay Ixtiraam daro iyo caasinimo.

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed iyo Masuuliyiin katirsan Dalkaasi ayaa sheegay in Wasiirka Difaaca Waqooyiga Kuuriya lagu toogtay qorayga Lidka Diyaaradaha kadib markii uu hurdooday xili ay socoay Munaasabad milatari.

Wasiirkii Difaaca Dalka Waqooyiga Kuuriya Hyon Yong Chol ayaa lagu toogtay Akademiyada ciidamada ee ku taal caasimada Dalkaasi ee Pyongyang, waxaana dilka Masuulkan usoo daawashado tagay boqolaal qof ay ku jiraan Masuuliyiin iyo saraakiil Ciidan.

Hogaamiyaha Kuuriya Waqooyi Kim Jong-un ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu toogtay Hogaamiyaal iyo Saraakiil lasoo shaqeysay Aabihiis, waxaana Hogaamiyahan dadka uu dilay kamid ahaa Adeerkii aabihiis la dhashay oo awood badan ku lahaa Dalkaasi kadib markii uu ku eedeeyay Musuq maasuq iyo in uu maleegayay afganbi.

Idale News Online, Sol

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here