Daawo: Gudoomiye Ku Xigeenkii Dhanka Amniga Ee G/Sh/ Hoose Ee Xilka Laga Tuurey Oo Soo Rugaal Celiyey

0
269

Afgooye(INO)-Gudoomiye Ku Xigeenkii hore dhanka amniga ee Gobolada Shabellaha Hoose Axmed Cumar Jiis(Cumar Yare) ayaa soo gaarey degmada Afgooye ee Gobolada Shabellaha Hoose, isagoona kulan la qaadey Gudoomiyaha Degmada Afgooye, Xaaji Gaabow , Saarkiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha iyo Odayaal Dhaqmeedyo.

Kulan ka dib, ayaa saxaafada la hadley, waxaana uu ka hadley arimo dhor ah oo ku saaban Jaga laga tuurey iyo  damaciisa weli uu sheeganaayo in uuu yahay Gudoomiye ku xigeeak Dhanka amniga ee Gobolka Shabellaha hoose.

” waxaan rabaa in aan u sheego Umadda Soomaaliyeed in aan dib ugu soo laabtey,  Shaqadeydii Gudoomiye ku xigeenak dhanka amniga Gobolka Shabellaha Hoose, kana  bilaabo  Degmooyinka Afooye, wanleweyne, Kurtunwaarey, Sablaale, Qoryooley ,Baraawe, marka iyo Awdheegle” ayuu yiri Cumar Yare.

Cumar yare ayaa intaasi raacey in markii yimid dekreetadiisu uu u gudbiyey Wasaaradda arimaha Gudaha ee DF Soomaaliya iyo Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waa sida uu sheegaayo.

” Wasaaradda arimaha Gudaha ee DFS markii ay aragtey sharciyadeyda ee  aan dhaawac ku aaday iyo dekreetada madaxweynaha waxay soo qortey warqaadan oo ku socoto Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, kusimahaygii ee  xilkagaya  ii sii haayey ee 6 Biloood, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Taliyaha nabad Sugida Soomaaliya, Taliyaha Booliska RW soomaaliya, Sidaas ayaan ku imid in aan shaqeyda ku bilaabo, hadaba waxa la ii sheegey  in wasiirka arimaha Gudaha Ee KGS inuu u soo magacaawey Walalkeya Cali  Nuur Gudoomiyha Dhanka Amniga Gobolka Shabellaha Hoose, waxaan rabaa in aan fursadan ugu faa’ideysto Sharci Ma ah” waxaa sidaas yiri Cumar yari.

Ugu dambeyntii Arintan ayaa imaaneysa Xilli Maalin ka hore uu soo saarey wasiirka arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee KGS  C/raxmaan Aadan Sata, ahna ku simaha Madaxweynaha  KGS  dekreeto uu ku magacaawayo Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga Ee Gobolka Shabellaha oo uu u Magacaawey Cali Nuur Maxamed.

Halkan Ka Akhriso Dekreetada Wasiir Sata

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here