Baydhabo(INO)-Wararka Ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa sheegayaan in magaaladaasi ay soo buux dhafiyeen Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeedyo Kuwaasoo ku mashquulsan dhismaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Todobaadkan Gudahiisa waxa Magalada Baydhobo ee Xarunta KMG ee KG Soomaaliya ku qulqulaayo odayaasha iyo wax Garad ka soo jeeda gobolka shabelaha Hoose si ay ugu qeyb galaan dhismaha barlamaanka Dowladda ee KG Soomaaliya.
Sida La Ogyahay waxa aan weli loo soo xulin GoLlaha Barlamaanka Ee Dowladda KG Soomaaliya taas oo caqabad ku ah hore u socodka iyo nidaamka Dawladnimo.
Ugu dambeyntii Arintaa ayaa waxa loo maleynayaa in uu culeys ku saaray xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ka dib markii uu kula kulmay madaxda maamulada KGS, Puntland iyo Jubba Magaalada Muqdisho ayna ka wada hadleen in la soo dhameystiro waxii ka dhiman dhismaha maamulada si loo gaaro hiigsiga 2016ka.
Idale News Online, Baydhabo