Baydhabo(INO)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aadan Sata, ayaa Gabalabtan Magacaawey,Gudoomiye ku xigeenka Dhanka Amaanka Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Dikreeto Ka Soo Baxdey, Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Dowlaha hoose Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ibraahim Aadan Sata ayaa Looga magaacawey Cali nuur Maxammedd inuu ahaado Gudoomiy Ku xigeenka Dhanka Amaanka Ee Gobolka Shabellaha isagoona Wasiirku uu sheegey in la sugi doono Guud ahaan Amaanka Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Akhriso Dikreetada
Ugu dambeyntii Magacaawistan ayaa Imaaneysa ka dib markii dhawaan Dowlada KG Soomaaliya ay ku dhawaaqdey, in maamulkeedu ay ku baahineyso Degaanada KG Soomaaliya Isla Markaana, ay wado Howgalo lagu xaqiijinayo Amaanka Gobolada KGS.
Idale News Online, Baydhabo