Dhageyso:Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Booliska Soomaaliya Oo Balan Qaaday Waxqabad Wanaagsan

0
251

Muqdisho(INO)- Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Maxamed Sh Xasan Xaamud ayaa balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono arrimaha nabadgalyada iyo tayeynta ciidamada amaanka ee Soomaaliya.

xaamud

Taliyaha cusub ayaa sheegay in ay Soomaaliya ubaahan tahay boolis leh dhamaanba adeegyada muhiimka ah, wuxuuna tilmaamay in uu wax badan ka qaban doono sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ciidamada amaanka ee dalka.

Sareeye Guuto Xaamud ayaa codsaday in gacan laga siiyo howlaha Booliska dibu habeyntooda, isagoo sheegay in ay heli doonaan dhamaanba xaquuqda ay leeyihiin, ayagana laga doonayo in ay waajibaad dheeraad ah iska saaraan masuuliyada ay uhayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Sareeye Guuto Maxamed Sh Xasan Xaamud ayaa dhawaan loo dhiibey xilkan, wuxuuna shalay la wareeay shaqada, isago balan qaaday waxqabad wanaagsan oo uu sameyn doono.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here