Dhageyso: Madaxweyne Xasan”Aniga iyo Nimankaas Madaxda ka Ah Dowlad Goboleedyada Ma jiraan Wax Aan isla saxiixnay”

0
235

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in uusan jirin wax ay wada saxiixdeen isaga iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, wuxuuna intaas ku daray in aysan jirin wax ay wada saxiixanayaan oo gaar loo leeyahay.

xasan maxmed

“Beryahan dambe waxaan arkayay dad warbaahinta ka hadlaya oo dhahaya 2011 iyo saxiixayaal ayaa dib loogu noqday. Aniga iyo nimankaas madaxda ka ah dowlad goboleedyada wax aan isla saxiixnay iyo wax aan isla saxiixneyno oo aan gaar u leenahay maba jiraan oo saxiixeena ku xiran ma jiraan, madashu waa wadatashi ,waa madal ra’yi kala qaadasho, wixii shuruuc ah ee ay dowladda federaalka rabto in ay ka fulaan dowlad goboleedyada dhexooda waa in ay ka fulaan gobollada iyo degmooyinka, maamullada ka jirana waa iyaga”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmo u soo joogay Garoowe kulan wada tashi ah oo uu lasoo qaatay Madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay si kale u arkaan madaxdii ay wada hadallada ku qaateen Garowe, kuwaasi oo gunaanadkii wada hadalladooda soo saaray heshiis ka kooban 7 qodob, inkastoo heshiiskaas oo saxaafadda loo qeybiyay uusan ku oollin wax saxiix ah.

Halkan Ka Dhageyso RADIO IDALE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here