Dowladda Soomaaliya Oo Shaqaale Ajaanib Ah La Imaneysa Xilli Shaqo La’aan Ay Heyso Soomalida

0
219

Muqdisho(INO)-Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha gudaha Cabdirashiid Xidig oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ayaa aad u dhaliilay in inta badan dhalinyarada ku sugan dalka ay yihiin kuwa ka baahan shaqooyinka dalka ka jira.

Somalia_Logo

Xidig waxa uu sheegay in cilada ugu weyn ee dalka ka taagan ay tahay in Muwaadiniinta oo baahan ay dalka ka shaqeynayaan Hay’ado ajaanib ah, waxa uuna xusay in dhalinyarada oo baahan shaqaale dheeri ah laga keenaayo dalka dibadiisa.

“Waa nasiib daro in Dowlada ay dad kala imaado dalka dibadiisa, dhalinyarada gudaha ku sugan oo aad u baahan”

“Shaqo la’aanta ka jirta dalka waxa ay sabab u noqotay in inta badan dhalinyaradii ay ku biiraan Alshabaab, dowlada iyada ayaa laga rabaa sida ay dhalinta u maareyn laheyd”

Waxa uu DF Somalia ku booriyay inay iska xil saarto shacabka ay mas’uulka ka tahay oo la daaladhacaaya shaqo la’aanta ku heysata gudaha dalka.

Ugu dambeyntii, dhalinyarada ayuu uga digay in shaqo la’aan awgeed uga tahriibaan dalkooda, islamarkaana ay naftooda ku haligaan badaha iyo howdadka ay sii marayaan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here