Dhageyso:Wabiga Shabelle Oo Fatahaad Ka Sameeyey Qaar ka Mid Ah Xaafadaha Magaalada Jowhar

0
332

Jowhar(INO) Wabiga Shabeelle ayaa Fatahaad ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe,sida aan wararka ku heleyno Wabiga Shabeelle ayaa Fatahaad ka sameeyey Xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar.

jowharFatahaadwabi

Dadka ku dhaqan Xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar ayaa bilaabaya iney ka barakacaan guryahood si ay uga baxsadaan Fatahaadda Wabiga oo saamayn ballaaran ku yeelatay, Maamulka gobolka iyo  kan degmada Jowhar ayaa wada dadaado ay ku xakamaynayaan Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey magaalada Jowhar.

Shacabka iyo ururada bulshada rayidka oo si iskood ah isku abaabulay ayaa dhankooda wada dadaalo ay ku doonayaan iney ku xakameeyaan Fatahaadda uu sameeyey wabiga Shabelle, Fatahaadahan ayaa ka dhashay Roobabka Mahiigaanka ah ee dhawaanahan ka da’ayey gobolka Sh/dhexe .

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here