Xildhibaan Jeesow “Axmed Madoobe waa Shabaab, DFS & Dastuurkaba Ma Yaqaano Mooshin Ayaan Ka Geynay”

0
251

Muqdisho (INO) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu yahay Shabaab, Madaxda DFS iyo Dastuurka Dalkana ma Aqoonsana, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay Shalay in uu Aqoonsaday Wax lagu sheegay Baarlamaan oo Axmed Madoobe uu ka Sameystay Kismaayo, “Xasan qudhiisu sida Dastuuriga ah Kismaayo waa dhulka uu Madaxweynaha u yahay Mana tegi karo”.

Teaser Image Jeesow:  Axmed Madoobe waa Shabaab, DFS & Dastuurkaba ma Yaqaano Mooshin ayaan ka Geynay

Jeesow ayaa sheegay in uusan Axmed Madoobe aheyn Muwaadin, welibana uu tahay Tuug, dadka iyo Xayawaanka aan Xuquuqdooda kala Aqoon.

“Axmed Madoobe Mooshin ayaan ka Diyaarinay Axmed Madoobe, kaasoo aan ku Kalsoonahay in uu Guddoonka Baarlamaanku naga Aqbali doono, Kooxdan Shabaabka ah ee uu doonayo in uu u dulleeyo dadka Kismaayo iyo Jubbooyinka, Kolba Ninkaas Burcadka ah ee meelo aan Cidna Aqoon ayuu Degmooyin ka Dhigtay, Xildhibaano ayuuna kasoo Magacaabay, welibana wuxuu Degmooyin la yaqiin ka dhigay kuwo la Dafiray” ayuu Hadalkiisa ku daray.

Idale News  Online –  Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here