Dhgeyso: Kenya Oo Ka Badbaaday Weerar Ka Culus Weeraradii Horay U Dhacay

0
216

Nairobi(INO)-Booliska Magaalada Nairobi, ayaa waxay xabsiga u taxaabeen Ali Abdulmajid, oo shaqaale u ah mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya, ee Magaalada Nairobi degan.

Xarigiisu wuxuu ka dambeeyay markii Sirdoonka Kenya uu soo saaray warbixin muujineysa, in uu fududeynaayay weerar lagu qaado Xarunta Baarlamaanka Nairobi.

Qoyskiisu waxay sheegeen in saqdii dhexe ee xalay ay hoygoodu ku soo weerareen Waaxda Dembi Baarista iyo Ciidanka la dagaalanka argagaxisada ee Kenya, isla-markaana ay u sheegeen in xarig uu yahay.

Halkan Ka Dhgeyso.

Madaxa Dembi Baarista Kenya Ndegwa Muhoro, ayaa sheegay inay helayn warar muujinaya in ninkaasi uu gacansaar la lee yahay argagaxisada, lana baarayo.

Ndegwa Muhoro oo wareysi kooban siiyay Wakaaladda Wararka Reuters, ayaa carab dhabay in ay gacanta ku hayaan eedeysanaha, uuna si wanaagsan ula shaqeynayo, sida uu yiri.

Ninkan waa Ku Xigeenka Madaxa Masaajidka Pumwani Riyadh. Wuxuuna Masaajidka ka soo shaqeynaayay tan iyo sanadkii 2009-ka, xilli Masaajidkaasi lagu tuhmay mid laga maalgeliyo dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah amaanka.

Abdulmajid waxaa horey loogu eedeeyay inuu dhaqaalo ugu taageeray ururada argagaxisada, laakiin Dowladda Kenya ayaan waxba ka soo qaadin, waxa ka run ah eedeymahaasi.

Ninka la tuhunsan yahay waxaa xilligan su’aalo lagu weydiinayaa Saldhiga Booliska Kilimani ee Magaalada Nairobi, xilli qoyskiisu uu walaac badani ka qabo in Kenya ay dhibaateyso.

Booliska Kenya, ayaan war rasmi ah ka soo saarin xariga la xiriira Ali Abdulmajid, marka laga soo taggo Saraakiil aan magacyadooda la shaacin, oo Warbaahinta u sheegay in baaritaanada ay meel wanaagsan u marayan.

Ka hor weerarkii lagu hoobtay ee Shabaabku ku qaadeen Jaamacadda Magaalada Garissa, ayaa waxay Sirdoonka Kenya helayn xoggo muujinaya inay Shabaabku duulaan ku yihiin Dhismaha Xarunta Baarlamaanka Kenya, waxaana Baarlamaanka la geeyay ciidan hor leh oo ka hortagga, haddii la soo weeraro.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here