Dhageyso: R/W Sharmaake oo shir Jaraa’id kaga hadley arrimaha soo celinta Qaxootiga, Xawaaladaha & Xasuuqa ka socda South Afrika

0
216

R/wasaare Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi wasiirayaal ah maalmihii la soo dhaafey safar shaqo ku joogay wadamada KENYA IYO ETHIOPIA ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay,waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

rashidBekos

R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo shir jaraa’id ku qabtey gudaha garoonka diyaaradaha ee Adan Cade International Airport ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka haysta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan wadamada Yaman iyo Kenya, xayiraada Kenya ku soo rogtay Xawaaladaha Soomaalida, Dhibaatooyinka ba’an ee ka  jira South Afrika ee loo geysanaayo dadka soo galootiga dalkaasi iyo Maamul goboleedyada dhismaya.

R/wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay iney Kenya kala hadleen xaaladda Qaxootiga Soomaaliya ee ku noold alkaasi,wuxuuna shaaciyey iney u sheegeen Kenya inaan la dhibaatayn Soomaalida,R/wasaare ayaa carrabka ku dhuftay in Kenya ay ku booriyeen inaan qasab Soomaalida dalkaa looga soo saarin lana diyaariyo jawi suurtagalin kara in Qaxootiga Soomaaliyeed dalkooda dib loogu soo celiyo.

R/wasaare Sharmaarke ayaa daboolka ka qaaday iney Kenya u sharaxeen dhibaatada ka dhalanaysa xayiraada Xawaaladaha Soomaalida,wuxuuna  ku nuuxnuuxsaday in Kenya ay isku afgarteen in dib loo fasaxo Xawaaladaha Soomaalida.

R/wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa dhanka kale ka hadlay dhibaatada Qaxootiga Soomaaliyeed ku haysata dalka Yaman,wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso Markab weyn oo Qaxootiga Soomaaliyeed kasoo daabula dalka Yaman.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sidoo kale soo hadal qaaday maamulada dalka ka dhismaya,wuxuuna guul ku tilmaamay furitaanka shirka dhismaha maamulka gobolada dhexe,R/wasaaraha ayaa ballan qaaday in dhawaan la guda galayo dhismaha maamul ay yeeshaan gobolada Hiiraan iyo SH/dhexe.