Daawo Sawiradda: Hay’ada CPHR Bakool Oo Maanta 30 Caruur Ah U Qiibisey Fanaanado

0
231

Baydhabo(INO)-Hay’ada CPHR Bakool  oo ah hay’ad ka shaqaysa arimaha Xaquuqda Aadanaha  iyo Caawinta dadka Masaakiinta ah Ee Ku Dhaqan Goboladda  KGS ayaa maanta magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, deeq dhar ah ugu qaybisay 30 Caruur ah oo kamid ah dadka Degan kaamamka kuyaalla magaalada Baydhabo isla markaana Ka Shaqeysta Baalushka Kabaha,iyagoona farxad Laga dareemaayey  Wajiyadooda.

Hay’addan oo ah hay’ad tan iyo sandkii 2002 ka Shaqeyneysey Guud ahaan  Goboladda KG Soomaaliya  isla markaana waxa aas aasey Dhalanyaro reer KGS ah, waxeyna  marka ay qaybiyeen deeqda dharka ah ka dib hadlay Xasan Macalin Yuusuf (Xasan Black), oo ah gudoomiyaha hay’ada CPHR BAKOOL wuxu sheegay inay dharkan ugu tala galeen caruurta ayna sii wadi doonaan Caawinta dadka barakacayaasha ah, iyagoo sigaara ah u eegaya Xaquuqada caruurt, ka hortaga Askareyntooda, tacdiyadda ka dhan ka ah ee Caruurta  loogeysto iyo weliba Hooyooyinka ee Goboladda KG Soomaaliya .

Xasan Black, Gudoomiyaha Hay’da CPHR BAKOOL Ayaa intaasi ku daray in Bulshadda KGS ay dareenkooda u soo jeediyaan  sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka reer KGS ee aan waxba haysan .

Qaar ka mid Ah waalidiintii caruurtooda la siiyey deeqda dharka ah ayaa u mahadceliyay hay’ada CPHR BAKOOL, waxana ay sidoo kale ugu baaqeen dadka KGS  inay Caawiyaan dadka barakacayaasha ah ee ku rafaadsan degaano ka tirsan Goboladda KGS.

Si kastaba ha haatee, Hay’ada CPHR BAKOOL waxa asaasay Dhalanyaro KGS ah kuwaasi oo kusugan Gudaha Dalka, waxana ay isku xilqaameen sida ay shegeen masuuliyiinteedu ay tahay Taagyeerida Caruurta danyarta ah iyo u doodida Xaquuqada Insaanka.

Ugu dambeyntii, tan iyo markii ay burburtey Dowladii dhexe ee soomaaliya, ma jirin daryeel dhab ah oo la siyey caruurta soomaaliyeed kuwaaso, soo wajahdey, dhibtaado nooco kala gedisan, sida waxbarasho la’aan,isla markaana  qaar ka mid ah loo adeegsadey, Colaada Sokeeya ee Soomaaliya, Sidoo kalena  hay’do iyo ururada Maxaliga ah ee u dooda  Xaquuqada curuurta in badan ay soo saareen tacdiyo badan oo lagula  kaco  caruurta soomaaliyeed.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here