Dhageyso: Al shabaab oo dishay Mas’uul katirsan Dowladda Kenya

0
241

Mandheera (INO) — Kooxda Al shabaab ayaa dishay Mas’uul sare oo kamid ahaa Maamulka Degmo ku taalla Waqooyiga Bari, ee dalka Kenya Saacado kadib markii ay soo afduubeen.

Teaser Image Al shabaab oo dishay Mas’uul katirsan Dowladda Kenya

Commander Job Boronjo, oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Mandheera ayaa xaqiijiyay Dilka Mkutar Otieno, oo kamid ahaa Madaxda Maamulka Degmada Carabiya, kaasi oo Meydkiisa laga helay meel y dhaw Xadka.

Al Shabaab, ayaa Khamiistii  Mkutar Otieno, oo 54 Jir ahaa kala degay Gaari uu la socday, xilli uu ka amba baxay Carabiya, kuna sii jeeday Mandheera, waxaana lasoo geliyay Gudaha Soomaaliya oo lagu toogtay.

“Al shabaab ayaa dalbaday Lacag Madax-Furasho ah oo gaaraysa (43, 800 dollars), markii uu fashilmay Wadahadalka, inta ay Geed ku xireen ayay toogteen Mkutar Otieno, waxaana ay Meydkiisa keeneen Xadka u dhaxeeya Soomaaliya & Kenya,” ayuu yiri Job Boronjo.

Sidoo kale, Al shabaab waxaya afduubeen Gaari siday Khaad, kaasi oo ula soo gudbay gudaha dalka Soomaaliya, mar kaliya markii ay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Carabiya soo afduubeen.

Idale News  Online – Mandhera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here