Baydhabo(INO)-Iyadoo Warar Hoose La Isla Dhexmaraayo in wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdillah Sheekh Ay Xireen Ciidamo Ka tirsan Nabad Sugid Soomaaliya isla markaana amar ka haystaan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa, arintaasi waxa Beeniney Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Cashar Nadaara.
Afhayeenka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u Sheegey BBC-da in ciidamo ka tirsan NISA ay weerareen Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Xilli uu ku Sugnaa Degaanka Jazeera Ee Gobolka shabellaha Hoose. Mudane Wasiir C/llaahi Sheekh Xasan ayaa markii la weerarayey wuxuu ku mashquulsanaa inuu Xadka u dhaxeeya ama kala qeybiya Gobolada Banaadir & Shabeellaha Hoose geeyo Ciidan ka socda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
” Ilaa iyo Hadda Inaggu Ma haayno inuu xiran yahay wasiirku, waxaan ku ognahay inuu ku sugan yahay degaanka Jazeera, uu hawlo halkaasi ka wado, isla markaana sida uu sheegey wasiirka Amniga KG Soomaaliya in ciidamo ka tirsan Nabad Sugida Soomaaliya ay ku xad Gudbeen, Wasiirka iyo Hawl Wadeenadda Dowladda KGSoomaaliya ee Halkaasi ku Sugnaa, Inkastoo hadda wada hadalo u socodo Oo u dhexeeya DF Soomaaliya iyo Dowldda KGS Arintaasi Loo Dhameeyo” ayuu yiri Afhayeenka Dowladda KGS Mudane Cabdi qaadir Nadaara.
“Ma U maleynaayo in wax muran ah inuu ka jiro, DF Soomaaliya ayadaa u Aqoonsatey Dowladda KGS in ay Maamusho 3 Gobol, waa La yaqaana Xuduuda Gobolka Shabellaha Hoose,halka Uu ku Ekaa xilligii dowladdii Dhexe Ee Soomaaliya ,is afgaran waa Baa ka jira Sida Loo qiibsanaayo, laakiin waa La Dhameyn Doonaa Dhawaan” waxa Sidaas yiri Afhayeeanka Dowladda KGS.
Ugu dambeyntii Soomaaliya ayaa ka guurtay nidaamka dawladda dhexe ay lahayd awooda dalka oo dhan, waxa ayna qaadatay nidaamka Faderaalka oo ah is maamul hoosaad si rasmi ah ay dadku uleeyihiin taladooda gaarka ah, taas oo ayana dhankeeda keentay muran hada bilow ah oo ku aadan Xaduudaha ay yeelan doonan dawlad gobaleedyadan.
Idale News Online,Xafiiska Baydhabo