Dhageyso: Afhayeenka Dowladda KGS Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Ujeeda Safarkii Madaxweyne Shariif Xasan Ee Degmadda Baraawe

0
253

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa  Booqasho ku tagey magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo noqoneysa xarunta Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

SHARIIF

Wafdiga Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiiro  ka Tirsan KGS, mas’uuliyiinta Gobolka Shabellaha Hoose, Saraakiil  ka socotey Xafiiska Siyaasada Ee Qaramadda Midoobey ee UNSOM iyo weliba Wefdi kale oo ka Socodey Ururka Midowga Yurub ee Xafiikooda dalka Soomaaliya ayaa diyaarad ka soo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo  si weyn loogu soo dhoweeyay Baraawe Gobolka Shabellaha Hoose.

Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cadiqaadir Nadaar ayaa sheegay in  Madaxweyne Shariif Xasan iyo wafdigiisa si diiran loo soo dhoweeyay, ayna u kala harin soo dhoweyntiisa dhamaan ururada bulshada rayidkaee Degmadaasi.

Ujeeda Booqashada  Maddaxweyne Shariif Xasan  ayaa Lagu Sheegey u kuur galo xaalada Baraawe,  sidii halkaasii  looga Fulin lahaa Mashaariic kala Gedisan, oo ay ka mid yhiin Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Baraawe, Hawl Galinta Dikadda iyo weliba dhismaha Madaxtooyadda KGSoomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Codka Afhayeenka KG Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa isu diyaarinaysa sidii ay xarun ugu noqon laheyd magaalada Xeebeeda Degmadda Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose  oo ah magaalo deked leh.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here