Muqdisho(INO)-Soomaaliya ayaa ka guurtay nidaamka dawladda dhexe ay lahayd awooda dalka oo dhan, waxa ayna qaadatay nidaamka Faderaalka oo ah is maamul hoosaad si rasmi ah ay dadku uleeyihiin taladooda gaarka ah, taas oo ayana dhankeeda keentay muran hada bilow ah oo ku aadan Xaduudaha ay yelan doonan dawlad gobaleedyadan.
Shalay waxaa banaanka usoo baxay Khilaafka xaduudaha ku saleysan ee udhaxeeya dawlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir, markii la burburiyey dhisme ay Koonfur Galbeed ka dhistay mid kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.
Dawladda Soomaaliya ayaan wali dhisin gudiga xadeynta Xaduudaha ay kala yeelanayaan dawlad gobaleedyada dalka ka dhismaya, waxaana murankan uu bilow unoqonayaa mid sii baahi doona.
Prof, Yaxye Cali Ibraahim wuxuu ka mid yahay dadka sida dhaw ula socda arrimahan, waxaana aan weydiinay waxa ka dhalan kara muranada noocaan ah iyo cida keenaysa xalka ladoonayo.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho