Dhageyso: Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow “Axmed Madoobe hala soo xiro”

0
214

Kismaayo(INO)-Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolada Jubbooyinka, ayaa ku baaqay in Dowladda Soomaaliya ay la xisaabtanto Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbaland oo lagu eedeeyay in ciidamadiisa tacadi Bini’aadinimo ay ka geystaan Magaalada Kismaayo.

Daahir Amiin Jeesoow, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arimaha gudaha iyo amniga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu yahay shaqsi tacadi kula kacay qaar ka mid ah Bulshada ku nool Magaalada Kismaayo.

Wuxuu Jeesoow sheegay in ciidamada Maamulka Jubbaland ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah, madaxdoodana ay raalli ka yihiin dhibaatada lagu haayo dadkaasi.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow wuxuu tilmaamay in Axmed Madoobe uusan  ka amar qaadan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, sidoo kalena uusan ogoleyn in Xukuumadda dhexe ay la xisaabtanto.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayuu sheegay in looga fadhiyo inay dacwad ku soo oogto Axmed Madoobe oo lasoo xiro, maadaama tacadi ka dhan ah Bulshada uu ka geystay Magaalada Kismaayo sida Xildhibaankan uu sheegay.

Wuxuu intaasi raaciyay hadalkiisa in Dastuurka Maamulka Jubbaland ay soo diyaariyeen Mohamed Abdi Afeey, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya iyo Generaal Gabre oo ah Sarkaal ka tirsan Dowladda Ethiopia oo galaalgal siyaasadeed ku leh arimaha dalka Soomaaliya.

Majirto cid Maamulka Jubbaland ka tirsan oo ka jawaabtay eedeyntaan loo jeediyay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here