6 nin oo Somali-American ah oo lagu qab qabtay Minnesota ayaga oo doonaya inay ku biiraan ISIS

0
230

MN (INO) Hay’ada dembi baarista Mareykanka ee FBIda ayaa waxa ay soo xirtay 6 nin oo Somali-American ah kuwaasoo qorsheynayay inay u safraan dalka Suuriya si ay uga bar bar dagaalamaan Dowlada Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam ama ISIS.

Nimanka lasoo xir xiray ayaa dhamaantood ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota waxa ayna hay’ada FBIdu sheegtay inay is wada garanayaan.

Dacwad oogaha heer federal ee lagu magacaabo Andrew Luger ayaa sheegay inay dhamaantood raggani ka tirsanaayeen koox qayb ka ahayd mu’aamarad isaga oo dhanka kalena sheegay inay qabashadoodu qayb ka tahay baaritaan socday mudo 10 bilood ah.

Dhanka kale dacwad oogaha ayaa sheegay inay nimankani isku dayeen inay u safraan Suuriya sanadkii lasoo dhaafay ayaga oo garab ka helaya nin kale oo ay saaxiibo yihiin oo ay horay ugu suurta gashay inuu u safro Suuriya kana dagaalamo halkaas si weyna gobolka Minnesota uga qoro dagaalyahano u safro Suuriya.

Afar kamid ah ragga lasoo qab qabtay ayaa waxaa lagasoo xiray Minneapo halka labada kalena lagasoo xiray San Diego ayaga oo isku dayaya inay sameystaan baasabooro been abuur ah oo ay ku galaan Mexico si ay ugusii safraan Suuriya sida ay sheegtay waaxda cadaalada.

Eedaysanayaasha ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Abdihamid Farah, Adnan Abdihamid Farah, Abdurahman Yasin Daud, Zacharia Yusuf Abdurahman, Hanad Mustafe Musse iyo Guled Ali Omar.

Minneapolis oo ay Soomaali badan ku nooshahay ayaa waxaa mudooyinkaanba diirada saarayay dembi baarayaasha Mareykanka iyo laamaha amaanka dalkaas ayada oo ay horay ugu suurta gashay rag badani inay u safraan dalka Suuriya si ay uga dhinac dagaalamaan ISIS.

Idale News Online, MN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here