Marka(INO)-Wasiir ku-xigeenka Haweenka,arirmaha iyo Xuquuqul insaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtay in wali uu yahay gudoomiyaha degmada Marka Max’ed Cusmaan Yariisow oo kal hore dagaal beeleed ka dhacay degmadaasi looga saaray.
Waxay sheegtay Wasiirka in gobolka Shabeelaha hoose ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin heer wasiiro ah oo ka tirsan Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya,waxaana ka mid ah mas’uuliyiinta joogta Wasiirka arimaha gudaha iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Haweenka,arimaha Qoyska iyo Xuquuqul insaanka ayaa xustay inay waxba ka jiraan ay tahay in xilka laga qaaday gudoomiyaha degmada Marka Max’ed Cusmaan Yariisow,islamarkaana wali isaga uu joogo Dowlada KGS.
Ujeedka MarkaCadey ay u tageen ayay ku tilmaantay inuusan quseyn arintaan,balse ay tahay inay ogaadaan xaaladaha nabad galyo iyo waliba mida nolol ee ka jira gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan degmada Marka.
Ugu Dambeyntii Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii u nidaamin lahaa deegaanada ay ka arrimiso.
Idale News Online,Xafiiska Marka