Ciidamada Dowlada Ethiopian loo diiday inay galaan Cadaado

0
252

Cadaado (INO) – Maamulka Ximan & Xeeb ayaa u diiday Ciidan Ethiopian ah oo kasoo baxay Maanta Magaalada Dhuusamareeb inay galaan Gudaha Cadaado.

Teaser Image Ciidan Ethiopian ah oo Dhuusamareeb ka yimid oo loo diiday inay galaan Cadaado

Ciidanka Eithiopia oo wata Gaadiidka gaashaaman ayaa waxay ku xayiran yihiin Deegaanka Mareer-Gud oo ku yaalla Duleedka Magaalada Cadaado, halkaasi oo is-hortaag ku sameeyeen Ciidanka Maamulka Ximan & Xeeb.

Ujeedka Ciidanka Eithiopia ay ugu socdeen Cadaado ayaa ah sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maalinta Sabtida ah la filayo inuu furo Shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe oo Cadaado ka dhacaya.

Wadahadalo ayaa socda si Ciidanka Eithiopia loogu ogolaado inay tagaan Cadaado, iyadoo Maamulka Ximan & Xeeb si aad ah u diidan yahay Hadalkii MD Xasan ee ahaa in Dhuusamareeb ay tahay Caasimadda Maamulka la dhisayo ee Gobolada Dhexe.

Ximan & Xeeb ayaa sheegay inaysan taageersanayn Go’aanka MD Xasan Sheekh uu ku gaaray inay Dhuusamareeb noqoto Xarunta Maamulka Gobolada Dhexe, waxaana laga yaabaa in Khilaafkan cusub uu sii daba-dheereeyo Dhisamaha Maamulka Gobolada Dhexe.

Idale News Online – Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here