DEG DEG:Wiil Uu Dhaley Faroole Oo Hooyadiis Toogasho Ku Diley

0
261

Garowe(INO)-Allaha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal lagu dilay mid ka mid ah xaasaska Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole).

faroole

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Amina Abiib Cilmi, ayaa waxaa la soo sheegaya in uu si ula kac ah uu u toogtay wiil ay dhashay, oo lagu magacaabo Cumar C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in Cumar uu la murmay hooyadii, isla-markaana uu rasaas ku furay hooyadii, sida ay ka soo xigteen ehelada.

Sidoo kale Wariye-yaasha Magaalada Garoowe, ayaa ku soo waramaya in gacanta lagu dhigay Cumar C/raxmaan Sheekh Maxamed, isla-markaana lagu haayo goobaha dembi baarista, inkastoo aynaan weli Ciidanka Boolisku wax war ah ka soo saarin.

Wararka laga helayo xarumaha dembi baarista ee Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in Cumar uu ku doodayo inay rasaastu kaga fakatay hooyadii, oo aanu si bareer ah u dilin.

Dhacdadan, ayaa noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay Xarunta Maamul Goboleedka Puntland ee Magaalada Garoowe.

Bulshada reer Garoowe oo khadka teleefanada ku wada xiriiraya, ayaa isu sheegaya in Amina Abiib uu maanta dilay wiil ay dhashay.

Idale News Online Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here