London(INO)-Waxaa Magaalada London ee Caasimada Wadanka Ingiriiska laga helay Meydka Wadaan Caan ah oo u dhashay Dalka Siiriya, kaa oo si weyn u mucaaradi jiray Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Bishaar Al-Asad.
Meydka Sheikh Abdul Hadi Arwani oo 48-sano jir ahaa ayaa laga helay Magaalada London isaga oo ku dhax jira Gaarigiisa, waxaana dilkan la sheegay in uu u muuqdo mid qorsheesan oo la tuhmayo in ay Dowlad ka dambeyso.
Booliiska Dalka Ingiriiska ayaa hada wada baaritaano lagu sameenayo dilka Sheikh Abdul Hadi Arwani oo habeenimadii talaadada aheed meydkiisa laga dhax helay gaari yar uu watay oo yaalay goob katirsan Magaalada London.
Wadaadkan la dilay ayaa caan ku ahaa sida uu uga soo horjeedo Dowlada Siiriya uu Madaxweynaha ka yahay Bishaar Al-Asad , waxaana hada la baarayaa in Dowlada Siiriya dilkaasi ay ka dambeysay ama ay koox kale ku lug leedahay.
Sheikh Abdul Hadi Arwani ayaa dalkiisa hooyo ee Siiriya kasoo baxsaday isaga oo dhalinyaro ah sideetameeyadii kadib markii xukun dil ah lagu riday, waxaana uu xiligaasi Wadaadkan uu sawiro kasoo qaaday Ciidaadii Siiriya u geesteen Shacabka Magaalada Hama, waxaana xiligaasi Siiriya Madaxweyne ka ah Bishaar Al-Asad Aaabhiis Xaafdi Al Asad.
Idale News Online, London