Muqdisho(INO)-Inta aan ka warqabno, gobolka Banaadir waa gobolka ugu dhaqaalaha badan gobollada dalka waxaana uu lee yahay miisaaniyad u gaar ah oo uga timaada dhinacyo badan oo ay ku jiraan kuwa uu maamulka gobolku ku soo rogay kana aruuriyo dadka degan gobolka Banaadir. Waxaanse cadeyn halka ay miisaaniyaddaasi ku baxdo, mana jirto cid maamulka ka sareysa oo iyadu dabagal ku sameysay oo soo bandhigtay sida loo maamulo hantidaas.
Waxaa dhowr jeer oo hore isku dayay inuu baaritaan ku sameeyo hanti dhowrka guud welina sooma saarin wixii uu ku soo arkay qaabka loo maamulo hantida soo gasha gobolka Bnaadir. Xogagga aannu heyno waxaa ka mid ah in dhowr jeer uu hanti dhowrku bedelay xubnihii ka socday hanti dhowrka, lana soo gabagabeeyay baaritaankii laakiin aan weli la shaacin wixii ay soo arkeen, waxaanse sugeynaa intii ay ka soo shaaciyaan, taas oo laga arki doono kalsoonida lagu qabi karo hantidhooorka xafiiskiisa.
Hadaba si aan ugu cadeyno ummadda Soomaaliyeed halka ay miisaaniyaddu ka soo gasho gobolka Banaadir, waxaan halkaan ku soo bandhigeynaa shax ay ku qoran yihiin inta meelood uu gobolku ka helo lacagta iyo weliba qiyaastii inta uu meel kasta ka helo:
Cadadka isugeynta dhakhliga halkaan ku qoran ayaa ah midda ugu yar ee la aaminsan yahay inay soo gasho maamulka G/Banaadir, taas oo aysan jirin meel la ogyahay oo ay ku baxaan iyo weliba cid si gooni ah isaga xilsaartay inay wax ka ogaato waxa uu maamulka gobolka banaadir uu ku qabto lacagahaas.
Waxaan isku daynay inaan wax dheeri ah ka ogaanno qaabka loo maamulo hantidaan, waxeyna dad Muungaab ku dhowdhow noo sheegeen inuu isagu maamulo, oo shilin kasta oo ka baxaya amaba soo gelaya qasnadda lacagaha G/Banaadir uu isagu si toos ah u maamulo. Waxa kale oo uu lee yahay gacanyarayaal iyagu si toos ugu soo qaada lacagaha uu rabo , maadaama aysan jirin cid isaga la xisaabtanta, amaba kuwii la xisaabtami lahaa oo uu ugu horeeyaan kuwii soo magacaabay, iyaguna dhinacooda ka helaan hantida intaas la eg.
Marka laga yimaado mushaaraadka shaqaallaha oo hantidaas laga bixiyo, iyaguna aanan muddo seddex bilood ah aanan helin wax mushaar ah, qaar kalena ay lacagu ka maqan tahay bilo intaas ka badan ayey aheyd in lagu bixiyo hantida magaalada ka soo xaroota arrimo badan oo horumar ka dhalin kara magaalada muqdisho oo ay ugu horeeyaan: Nadaafadda, caafimaadka, waxbarashada, dhissidda wadooyinka halbowlaha u ah magaalada, wax ka qabadka daadadka, dhissidda garoomo ciyaareed (isboortiska), isdhexgalka bulshada iyo dhissidda meelo lagu nasto, wacyigelinta iyo horumarinta nabadda IWM.
Waxaanse aad uga naxnay markii aannu maqalnay, iska daa in wax la qabtee gobolku qorsho sanadeed haba yaraatee qeyb looga qabanayo hantida laga qaado ummadda degan gobolka Banaadir inuusanba lahayn! Oo wax kasta waxa ay ku socdaan qaab aan qorsheysneyn, waxaana hubnaa, “inaysan waxba iska bedeli doonin gobolka Banaadir inta uu madaxda ka ayahay Guddoomiyaha hadda jooga oo aanba garaneynin masuuliyadda uu u hayo ummadda degan gobolka Banaadir”, ayuu nagula kaftamay oday muddo badan ka shaqeynayay gobolka Banaadir.
Hadafka qormadani, ma aha mid shaqsi ee waa mid ay tahay in la iskula xisaabtamo lana saxo wixii saxmaya inta laga helayo dad masuuliyiin ah oo garanaya masuuliyadda loo dhiibay oo gaarsiin kara gobolka Banaadir darajada uu ka mudan yahay dalka iyo dibadaba.
Idale News Online, Muqdisho