Gedo(INO)-Warar hoose oo ay heshay Shabakada Idale News Online ayaa ku waramaya in siyaasiyiin ku sugan gobalka Gedo, magacna leh ay wada hadal hoose la fureen maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Siyaasiyiintaan waxaa ka mid ah Maxamuud Sayid Aadan iyo sidoo kale xubno kale oo qaarkood aysan suurta gelin in magacyadooda aynu helno.
Wararka ayaa tilmaamaya in uu lasoo xiriiray Fartaag si uu u kala qeybiyo xubnaha Garbahaarey, waxaana loo sheegay in xilal loo ogolyahay, islamarkaana ay ka garab baxaan, Kaliil, Aw-libaax iyo xubnaha kale ee taabacsan.
Wada hadalkaan ma aanu mira dhalin, balse wada xaajoodka ayaa u muuqda mid socda, iyadoo wada hadalkii ugu dambeeyay mas’uuliyiintaan uu dhex maray habeenkii xalay ahaa.
Idale News Online, Gedo.