Dowlada Koofur Galbeed oo heshiis kala dhex dhigay beelo ku dagaalamay Shabellaha Hoose

0
237

Afgooye(INO)-Shir dib u heshiisiin ah oo lagu xalinayay Beelihii ku dagaalamay Gobolka Sh/hoose ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada  Koofur galbeed Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim Sate ayaa sheegay in heshiisyo kama dambeys ah laga gaaray colaadii u dhaxeeysay Beelo ku dagaalamay qeybo ka mid ah Gobolka Sh/hoose.

Wareysi uu siiyay Warbaahinta ayaa waxa uu ku sheegay in qeybtii ka harsanayd heshiiska uu Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan kusoo xiray Degmada Afgooye.

Arrimaha laga hadlay waxaa ka mid ah dhaqangalinta qodobadii horay loogu heshiiyay oo ay ka mid tahay nabad lagu wada noolaado.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here