Puntland Oo Walwal Soo Wajahay Iyo Al-qaacida Badan Oo La Sheegay In Ay Soo Galeen Gudaha Puntland

0
221

Garowe(INO)-Maamulka Puntland ayaa waxa ay cabsi xoogan ka qabaan in xubno ka tirsan Al-Qaacida oo ka yimid dalka Yemen in ay soo gaaraan Boosaasi gaar ahaan maxaabiis kasoo baxsatay xabsiga Mukallah.

War goordhaw soo baxay ayaa sheegay in qaar ka mid ah Maxaabiistaasi ay soo gaareen Boosaaso isla markaana qaarkood ay dil toogasho ah ugu xukun naayay dowladda Yemen oo xoog looga saaray dalkaasi.

Warka waxa uu intaasi ku darayaa in xabsiga ay kasoo baxseen 45-ruux oo Somalia ah kuwaas oo la rumeysan yahay in qaarkood ay wadada ku soo jiraan kuwa kalena ay Boosaaso soo gaareen.

Sida ay sheegtay VOA qeybteeda afka Somaliga waxa ay wareysatay Mahdi Cali Siciid iyo Cabdullahi Axmed oo ka mid ahaa dadkii ka soo baxsatay xabsiga,waxa ayna sheegeen in ay joogaan Boosaaso.

Anniga muddo shan sanno ah ayaan xabsiga ku xirna,waxaana laygu eedeeyay burcad badeen-nimo,waxaana laygu xukumay tobon sanno,hadda-se waan ka soo baxsanay,”ayuu yiri Mahdi.

Maamulka Puntland ayaa aad uga walwalsan dadka kasoo cararay dalka Yemen oo qaarkood la sheegaayo in ay ka mid yihiin Al-Qaacida ,balse waxa ay u saareen gudiga ka hortaga qataraha kasoo gaari kara Yemen.

Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here