Daawo:Natiijo hor dhac ah oo laga helay doorashada dalka Israel

0
219

Taleviv(INO)-Natiijo hor dhac ah ayaa laga helayaa doorashada Baarlamaaniga ee dalka Israa’iil, inkastoo natiijada la helaayo ay muujinayso in si aad ah la isugu dhaw yahay.

Natiijada Hordhaca ah ee la helaayo ayaa muujinaysa in labada Xisbi ee ugu waaweyn dalkaasi Israa’iil in uu midkiiba helay 27 kursi.

Taasi ayaa ka dhigan in labada xisbiba ay u baahan yihiin axsaabta kale ee yar yar, si ay u dhisaan dowladda wadaag ah, arrintaas oo qaadan karta dhowr todobaad.

Ra’iisul wasaaraha xilka haya, Benjamin Netanyahu, ayaa natiijadaasi hordhaca ah ku tilmaamay guul weyn oo uu gaaray xisbigiisa Likud, waxaana uu sheegay in hadda uu wado hannaan uu iskugu dayayo in uu ku sameeyo dowlad wadaag ah.

Waxa uu sheegay in Maamulkiisa uu isku dayaayo sameynta Dowlad wadaag ah, maadaama Natiijada hordhaca ah ee la helaayo ay muujinayso sinaan dhanka Kuraasta ah.

Haweeneyda wax ka hoggaamisa xisbiga Midowga Yuhuuda, Tzipi Livni, ayaa dhankeeda sheegtay in xisbigeeda uu durbaba bilaabay in uu sameeyo dowlad wadaag ah.

675421Idale News Online, Taleviv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here